Site icon Radio Risaala: Somali News Online

HORDHACA: Chelsea v Manchester United- Jose Mourinho Oo Ku Laaban Doonaa Stamford Bridge

Jose Mourinho ayaa kusoo laaban doona garoonka Stamford Bridge markii ugu horeysay isagoo ah Tababaraha kooxda Manchester United, iyadoo kooxda Chelsea kulan adag uu la qaadanayo.

Tababaraha reer Portugal ayaa labo jeer oo kale duwan macalin u noqday Bules oo uu la qaaday saddex Horyaal laakiin waxaa la ceyriyay xili ciyaareedkii hore, markaasoo uu u dhaqaaqay kooxda ka dhisan Old Trafford.

United ayaa ciyaari doona kulankoodii saddexaad wax ka yar hal toddobaad, iyadoo barbaro goolal la la’aaan ah hore ula gashay Liverpool halka guul 4-1 ay ka gaartay kooxda Fernabache tartanka Europa League khamiistii.

Chelsea ayaa sidoo kale ku guuleystay labadii kulan ee ugu danbeysay Premier League iyadoo xitaa shabaqa ilashatay markii guul 3-0 ah ay ka gaartay kooxda heysata horyaalka hadda Leicester Sabtidii lasoo dhaafay.

Blues ayaa sidoo kale waxay sameyeen rikoor wanaagsan marka ay wajahayaan United oo ka badisay kaliya mid kamid ah todobadkii kulan ee ugu dambeeyay.

 

Exit mobile version