Manchester City ayaa safar gaaban ku tagi doonta galabta Turf Moor o ku ciyaarto kooxda Burnley, iyadoo fursad u heysatay inay hogaanka horyaalka Premier League ka dhigto 18 dhibcood.
Clarets ayaa isku dayaysa inay sii heysato booska 7aad ee horyaalka, laakiin tababare Sean Dyche ayaa walaac weyn ka qaba sagaal kulan oo uusan ku badin Turf Moro tartamada oo dhan.
OGEYSIISKA CIYARAARTA
GAROONKA: Turf Moor
SAACADA: 3:30 PM
MAXAA CUSUB?
City ayaa waxaa ka maqnana kara David Silva ka dib markii uu xiddiga reer Spain ka baxay qeybtii hore ee kulankii kooxdiisa ka badisay Arbacadii West Brom.
Daqiiqad degdeg ah ayaa laga yaabaa inay helaan labada daafac ee Danilo iyo Vincent Kompany kuwaasoo la filayo in ay kujiraan xulashada ciyaarta galabta, halka John Stones uu shaki ku jiro xaalada caafimaad ee jirkiisa.
Tababare Dyche ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilaabo qebyta weerarka Sam Vokes kulanka ay ku ciyaarayaan Turf Moor, halka Ashley Barnes oo 90 daqiiqo ciyaaraya kulankii St James Park la fariisin dooono.
Wood ayaa weli dhaawac ku maqan, laakiin Lennon ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulankiisii ugu horeeyay Burnley.
XAQIIQADA CIYAARTA
Kulanka galabta ayaa ah kii 98 oo tartan rasmi ah oo dhaxmara labada koox, iyadoo City ay 44 guul gaartay marka la barbardhigo 29 guul oo ay heshay kooxda Burnley.
Kooxda Clarets ayaa shan dhibcood ka heshay todobo kulan oo Premier League la ciyaareen City, laakiin City ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay labada koox.
Kulankii ugu dambeeyay waxa uu yimid afar todobaad ka hor markaasoo kooxda Guardiola 4-1 ku badiyeen kulanka katirsanaa wareega saddexaad ee FA Cup.
SAFAFKA MACQUULKA AH
Burnley:Pope: Bardsley, Long, Mee, Taylor; Cork, Westwood, Arfield; Lennon, Hendrick, Vokes
Manchester City: Ederson; Walker, Kompany, Otamendi, Zinchenko; Fernandinho, Gundogan; Sterling, De Bruyne, Bernardo Silva; Aguero

