Site icon Radio Risaala: Somali News Online

HESHIIS DHACAY: Manchester City Iyo Barcelona Oo Isku Fahmay Qiimaha Claudio Bravo Ugu Biirayo City- Waa Imisa?

Manchester City iyo Barcelona ayaa heshiis ka gaaray saxiixa gool hayaha reer Chile Claudio Bravo kasoo lacag  £ 17 milyan ah ugu biiraya City, sida ay qortay jariirada Isbaanishka ee Marca.

Goolhayaha 33-sano jirka ah ayaa horay heshiis shaqsi ah ula gaaray kooxda Man City, waxaana la filayaa inuu saxiixo heshiis afar sanno ah oo uu ugu ciyarai doono kooxda ka dhisan Premier League.

Pep Guardiola ayaa hore ugu digay goolhayaha dooqa koowaad ee Man City Joe Hart isagoo xitaa kursiga keydka fariisiyay furitaanka Premier League kooxdiisa wajahday Sunderland.

dhaawac jilibka ah ee Marc-André ter Stegen ayaa lagu soo waramayaa in ay meesha ka saartay Bravo inuu ku biiro Man City, laakiin goolhayaha reer Germany ayaa haatan dib ugu soo laabtay garoomada kadib markii uu maqnaa muddo kaliya seddex isbuuc ah,

Laakiin Bravo, oo qayb muhiim ah ka ahaa kooxdii ku guuleysatay horyaalka labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, ayaa haatan la rajeynaya ainuu u guuro Horyalaka England.

Exit mobile version