Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka, Sean Duffy, ayaa xaqiijiyay in hawada dalka dib loo furay, isla markaana duulimaadyada dib loo bilaabi karo.
Wuxuu sheegay in xarumaha hagista iyo kormeerka duulimaadyadu ay shaqeynayaan, hawadana dib loo furay 8:15 fiidnimo waqtiga bariga Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee, Duffy wuxuu sheegay in hakadkii dhacay uu saameyn ku yeelan doono duulimaadyada maalmaha soo socda, isla markaana ay qaadan karto dhowr maalmood in xaaladdu caadi ku soo noqoto

