Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Gudoomiyaha Baay: “15-qof oo uu ku jiro wasiir ku-xigeen ayaa ku dhimatay qaraxyadii Baydhabo”

Gudoomiyaha Gobalka Baay Cabdirashiid Cabdi Cabdullahi, ayaa xaqiijiyey in qaraxyadii galabta ka dhacay Baydhabo uu ku geeriyooday Xasan Ibraahim oo ahaa wasiir ku xigeenka hubka dhigista Maamulka Goonfur Galbeed, sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday qaraxyadaas ee la ogyahay ilaa hadda ay gaarayaan 15 qof, iyo 38 qof oo dhaawac ah.

Gudoomiyaha oo VOA waraysi siiyey ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxaas asaga oo ku eedeeyey in Alshabaab cid aan ahayn oo waxa nuucaas ah samaysa aysan jirin.

galabta gelinkii dambe ayey laba qarax oo is xigxiga ka dheceen magaalada Baydho ee Gobalka Baay oo xarun KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed.

Exit mobile version