Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bokool,halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin iyo bulshada deegaanka.

Wafdiga oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Garoonka Waxaa ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen iyo Masuuliyiin kale.

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana la filayaa in halkaasi uu ka dhoco kulan looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Alshabaab iyo qorshayaal ku aadan dib u dejin loo sameeyo dadkii kazoo barakacay deegaanada ay maamulaan Al- Shabaab.

Exit mobile version