Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa diiday xilka qaadistii lagu sameeyay, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, sida ku cad qoraal uu soo saaray Maxkamadda Sare.
War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hay’addu ay tahay tan ugu sarreysa garsoorka dalka, isla markaana ay mas’uul ka tahay ilaalinta sharciga iyo ku dhaqankiisa.
Qoraalka ayaa lagu xusay in xilka qaadista lagu shaaciyay bogga Facebook ee Madaxtooyada aysan waafaqsanayn habraaca dastuuriga ah, iyadoo Maxkamaddu tilmaantay in arrimaha magacaabista iyo xil ka qaadista guddoomiyaha Maxkamadda Sare ay leeyihiin hannaan sharci oo gaar ah.
Baashe Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ku dooday in aan la raacin habraacyada dastuuriga ah ee xilka looga qaadi karo guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isagoo ku adkeystay inuu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee hay’adda.
Dhanka kale, xaaladda ayaa sii cakirantay kaddib markii ciidamo hubeysan ay galeen xarunta Maxkamadda Sare ee Muqdisho, iyagoo la wareegay dhismaha, xilli Baashe uu maanta dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana uu halkaasi ku sugnaa.
Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa iyadoo uu jiro khilaaf sharci iyo mid siyaasadeed oo ka dhashay xilka qaadista Baashe Yuusuf Axmed, waxaana weli la sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda xarunta Maxkamadda Sare iyo halka uu ku dambeyn doono khilaafkan.

