Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Guddoomiyihii Hirshabeelle u qaabilsanaa Gobolka Hiiraan oo is casilay.

Guddoomiyihii maamulka Hirshabeelle ugu magacaawnaa Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Hirshabeelle.

Muuse Salaad ayaa ku sugan guriga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee gobolka.

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, sababo ku aaddan waa inaysan madaxda sare isku aragti ka ahayn habka loo wajahayo xallinta tabashooyinka ay qabaan dadka reer Hiiraan.

 

“Anigoo ah Mudane Muuse Salaad Wehliye ahna Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaan si rasmi ah idiinku soo gudbinayaa go’aankayga ku aaddan inaan iska casilo xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan. Go’aankaygan wuxuu ka dhashay kala aragti duwanaansho aniga iyo madaxda sare oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xallinta tabashooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan bulshada reer Hiiraan oo soo jireeenka ah.” Ayuu yiri Muuse Salaad Wehliye oo warsaxaafadeed ku sheegay “Waxaan mar walba aaminsanahay in xilka dowladnimo uu yahay masuuliyad ka weyn jegada qofku hayo, isla-markaana ay waajib tahay in la dareemo, lana tixgeliyo duruufaha, cabashada iyo xaqiiqada ay ku nool yihiin dadka aan masuulka ka nahay.”

 

Muuse Salaad ayaa sheegay in uu tallaabadan u qaatay, si uu u dhawro damiirkiisa, mabaadi’diisa iyo dareenka uu u hayo dadka reer Hiiraan ee ku jira xaaladaha adag.

Muuse Salaad ayaa xilkan loo magacaabay maalmo kooban ka hor, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii isaga ka horreeyay, kaas oo diiday go’aankii maamulka Hirshabeelle, isla markaana la saftay Ugaaska iyo Beesha Xawaadle oo tabasho xooggan ka qabta maamulka.

Exit mobile version