Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland oo la doortay

Waxaa  lasoo Afjaray  doorashadii gudoomiye ku xigeen Koowaad ee Baarlamaanka Puntland oo doorashadiisu ka socotay gudaha Hoolka Baarlamaanka Puntland, waxaana ku guulaystay Abukaate C/casiis Cabdullaahi Cismaan oo ku guulaystay codad dhan 38 cod.

Abukaataha oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa hogaanka u hayn doona muddo Shan sano ah Baarlamaanka Puntland.

Weli doorashada waa mid sii socon doonta maadaaama aan la dooran gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland oo ay ku loolami doonaan musharaxiin badan.

 

Exit mobile version