Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose oo bogaadiyey doorka ciidamada Uganda ee amniga gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifataax Sayid Axmed, ayaa ammaanay kaalinta ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala gobolka, isaga oo ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixiyaan sugidda amniga iyo xasilloonida.

Guddoomiyaha ayaa arrintan ka sheegay kulan uu xarunta Embresso ee degmada Baraawe kula yeeshay Taliyaha Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda (UPDF), Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene, kaas oo ay kaga wada-hadleen xaaladda amniga iyo wada-shaqeynta ciidamada.

Cabdifataax Sayid Axmed ayaa ammaanay xirfadda, anshaxa iyo xiriirka wanaagsan ee ciidamada Uganda ay la leeyihiin bulshada deegaanka, isaga oo dowladda Uganda uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Dhankiisa, Taliyaha Guutada 45-aad ee Uganda, Dr. Justus Musenene, ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaaliyaan anshaxa, midnimada iyo dhowrista xuquuqda dadka rayidka ah, isaga oo sheegay in arrimahaasi muhiim u yihiin dhisidda kalsoonida bulshada iyo xoojinta amniga qaranka.

Taliyaha ayaa sidoo kale dowladda Koonfur Galbeed iyo shacabka deegaanka uga mahadceliyey wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cilmi, ayaa bogaadiyey iskaashiga ka dhexeeya ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan howl-gallada wadajirka ah iyo is-weydaarsiga xogaha amniga, isaga oo xaqiijiyey inay sii wadi doonaan wada-shaqeyntaas.

Kulankan ayaa muujinaya dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, si loo adkeeyo amniga loona taageero xasilloonida deegaanada gobolka.

 

Exit mobile version