Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo Shir la yeelanaya Ajandayaasha Kalfadhiga

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah yeeshaan shir muhiim ah oo lagu diyaarinayo ajandayaasha horyaalla Golaha, iyadoo la isku diyaarinayo furitaanka kalfadhiga cusub.

Kulankan ayaa hordhac u noqonaya kalfadhiga Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furmi doona 1-da Agoosto, kaas oo la filayo in looga doodo arrimo siyaasadeed iyo sharciyeed oo muhiim u ah dalka.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee horyaalla kalfadhigan waxaa ka mid ah doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kaas oo beddeli doona Aadan Madoobe, kadib markii uu baneeyay xilka guddoomiyenimada.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan jadwalka doorashada iyo magacaabista musharraxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay ku wajahan yihiin habka uu u dhici doono doorashadan.

Exit mobile version