Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Guddiga farsamo ee dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo maanta kulan ku yeeshay Turkiga

Waxaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dhacay kulanka Wareegii koowaad ee wadahadalada guddiga farsamo ee dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankan ayaa waxaa marti ku ahaa H.E. Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Türkiye, iyadoo ay ka qeyb galeen wafdi uu hoggaaminayo H.E. Dr. Gedion Timothewos, Wasiiru dowlaha arimaha dibada Itoobiya iyo Cali Maxamed Cumar Wasiiru dowlaha arimaha dibada Soomaaliya.

Maanta, intii lagu guda jiray wareegii koowaad ee wadahadalada farsamada, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay warqadda iyo ruuxda Baaqa Ankara.

Ergada ayaa waxaa ay bilaabeen shaqadii gabagabada ahayd si ay aragtidan ugu badalaan xaqiiqo ayna dhulka u dhigaan horumar waara.

Labada wafdi ayaa waxaa ay u mahadceliyeen sii wadida Türkiye ee ah in loo diyaariyo wadahadalada farsamo ee soo socda ee Maarso 2025.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili horey 11 December uu magaalada Ankara ugu dhacay kulan ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Exit mobile version