Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Guardiola oo ku dhawaaqay Safkiisa Champions League

Ciyaaryahanka reer Ukraine Oleksandr Zinchenko ayaa loo magacaabay kooxda Manchester City ee Champions League isku diyaarineysa xili ciyaareedkaan, inkastoo uu aad ugu dhow yahay inuu kooxda ka tago.

Zinchenko ayaa ah nin doonaya inuu u ciyaaro kooxda, iyadoo ay xiiseynayaan kooxda Premier League ee Wolves iyo kooxda ka dhisan La Liga ee Real Betis.

Inkastoo uu ciyaaray door muhiim ah waqtigii uu maqnaa Benjamin Mendy xilli ciyaareedkii hore, City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay lacag kaash ah ku iibiso da’yarkaan haddii uu ka tagayo kooxda.

Zinchenko ayaa doortay inuu joogo kooxda islamarkaana uu u dagaalamo booskiisa.

Zinchenko ayaa City kaga soo biiray kooxda Ufa July 2016 ka hor inta aaan amaah uloogu dirin kooxda ka dhisan Eredivie ee PSV xilli ciyaareedkii 2016/17.

Kevin De Bruyne iyo Eliaquim Mangala ayaa labadoodaba kujira liiksa ciyaartooyda City ee loo xulay tartanka Champions League, inkastoo labadoodaba ay haatan dhaawac ku maqan yihiin.

Dhaawaca Claudio Bravo ayaa la micno ah inuusan ciyaari doonin tartankaan, iyadoo da ‘yarka Daniel Grimshaw uu noqon doono goolhayaha ka dambeeya Ederson.

Phil Foden, Brahim Diaz iyo Aro Muric ayaa dhammaantood loo diiday inay ciyaaraan tartanka sabab la xirirta sharciga UEFA oo diiday inay tartankaan kasoo muuqdaan xili ciyaareedkaan ciyaartooyda dhashay kadib January 1, 1997.

25 Ciyaartooy ee Manchester City Magcaawday ayaa kala ah

Goolhayayaal: Ederson, Daniel Grimshaw.

Daafaca: Kyle Walker, Danilo, Vincent Kompany, John Stones, Aymeric Laporte, Eliaquim Mangala, Benjamin Mendy, Nicolas Otamendi.

Khadka dhaxe: Raheem Sterling, Ilkay Gundogan, Kevin De Bruyne, Fabian Delph, Leroy Sane, Bernando Silva, David Silva, Fernandinho, Riyad Mahrez, Olexandr Zinchenko.

Weerarka: Sergio Aguero, Gabriel Jesus.

Exit mobile version