Kooxda Man City ayaa qarka u saaran inay usoo gudubto wareega 16-aad koobka horyaalada Yurub kadib markii sedex kulan oo xariir ah ay guuleesteen.
Man City kulankoodii ugu muhiimsanaa waxay 2-1 guusha kaga qaateen naadiga awooda badan Napoli.
Pep Guardiola kooxdiisa sida looga bartay fagta hore ee cayaarta ayay labo gool la timid waxaana u kala dhaliyeen Raheem Sterling daqiiqadii 9-aad waxaa caawiyay Walker iyo Gabriel Jesus daqiiqadii 13-aad waxaana caawiyay Kevin de Bruyne.
Napoli qaybta hore ee cayaarta waxaa rigoore ka qasaariyay Dries Mertens daqiiqadii 38-aad waxayna ahayd fursad qaali ah oo ay dhibic ku heli kareen.
Kooxda Napoli qaybta labaad ee cayaarta bandhig wacan ayay la imaadeen waxayna heleen rigoore labaad ayadoo oo uu gool u badalay Amadou Diawara daqiiqadii 74-aad.
Kooxda Napoli culees dheeraad ah ayay Man City saartay balse natiijada waxba kama badalin waxayna City guusha ku qaateen 2-1.
Dhinaca kale kooxda Shakhtar ayaa guul muhiim ah safar kusoo gaartay ayagoo 2-1 kaga soo badiyeen naadiga Feyenoord.
Waxayna midaan ka dhigan tahay in Man City Guruub F ku hogaaminayaan 9-dhibcood halka Shakhtar 6-dhibcood leedahay sidoo kalena Napoli waxay ku jiraan kaalinta sedexaad ayagoo leh sedex dhibcood halka Feyenoord sedexda kulan laga wada badiyay.

