Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Griezmann oo digniin u diray kooxda Barcelona, kaddib Saddexleeydii uu xalay saxiixay !

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa kaddib saddexleeydii uu xalay ka dhaliyey Sevilla digniin u diray kooxda Barcelona.

Xiddiga reer France ee Griezmann iyo Weeraryahanka ay iskala tirsan yihiin Atletico Madrid ee Diego Costa ayaa xalay ku soo wada bilowday Weerarka kooxda, waxayna soo bandhigeen bandhig cajiib ah oo aad u sarreeya kaddib markii ay 5-2 ku badiyeen.

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa Axadda la ciyaari doonta Barcelona oo 7-dhibcood ka sarreysa, iyadoo  guul ay kulankaa ka gaaraanna ay aad uga caawin doonto inay haweysato hoggaanka horyaalka La Liga.

Haddaba ka hor kulankaas iyo saddexleeydii uu xalay ka xareeyey Sevilla, Antoine Griezmann ayaa digniin u diray kooxda Barcelona waxaana uu yiri kulanka kaddib: –

“Waxaan si fudud isugu dayaynaa inaan guuleysanno dhammaan kulamada inoo harsan, waa inaan u sii shaqeynaa sida aan hadda sameynayno.”

“Waxaan ku riyoonay inaan guuleysanno dhammaan kulamadeenna intaa kaddibna aan aragno meesha ay ina geynayso.” ayuu hadalkiisa ku daray wiilka reer France.

Exit mobile version