Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Gonzalo Higuain oo dalabyo badan ay uga imaanayaan kooxo Yurub ka dhisan

Maurizio Sarri  Tabaraha kooxda Napoli ayaa sheegay in dalabyada badan ee u imaanaya weeraryahankiisa Gonzalo Higuain lakiin  kooxda ay ka fikiri doonto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Higuain ayaa ah dhaliyaha ugu sareeya Serie A ,xilli ciyaareedkan waxaana uu dhaliyay gool, lakiin waxa uu ku guuldareystay inuu gool dhaliyo seddexdii kulan ee ugu danbeyay,

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Paris Saint-Germain, Chelsea iyo Arsenal ,iyadoo tababare Sarri uu sheegay in dalabyada Higuain u imaanaya la qiimeyn doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

” wararka xanta ah waxba kama garanayo halka ay kasocdaan, laakiin waxaan qabaa inay jiraan dalabyo badan oo kooxda u yimid,” Sarri ayaa u sheegay suxufiyiinta ka hor kulanka Europa League ay caawa wajaheyso kooxdiisa Villarreal .

Exit mobile version