Weeraryahanka Germany Mario Gomez ayaa waxaa soo wajahay xaalad deg deg ah oo looga saaray xulka qaranka Germany ee ka qeyb galaya Euro 2016.
Xiddiga waxa soo gaaray, dhawac muruqa lugta midig ah, kulankii guusha ay ka gaareen quarter-fiinaalka xulka qaranka Italy xalay.
Weeraryahanka Germany Mario Gomez, ayaa ayaa dhaqaatiirta Germany si deg deg ah gor dhaw ay ugu dhawaaqeen in laga saaray inta ka hartay tartanka Euro 2016.
Waxaa la rumeysan yahay in uu soo gaaray jeex, muruqa ah, kasoo sabab u noqday in uu muddo garoomada ka maqnaado.
Arintaan dhawaca Mario Gomez, ayaa dhabar jab ku ah xulka qaranka Germany ee gaaray Wareega Afar dhamadka tartanka Euro 2016,
