Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Golaha wasiirada oo deeq lacageed gaarsiiyay qoyskii hooyo Isniino ”Sawiro”

Deeqdan lacageed oo ka timid qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada xukuumaddda Soomaaliya oo ay u soo wakiisheen wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ayaa gaartay qoyskii ay ka geeriyootay hooyo, Isniino oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo ku dhimatay qaraxi dhowaan ka  dhacay agagaarka taalada SYL oo ay geysteen  falaagada Al-shabaab.

Xusseen Bashiir, oo ah aabaha dhalay carruurtaasi ayaa ka mahadceliyey deeqadani lacageed ee uga timid xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay  xildhibaan, Caasho Maxamuud Cumar (Caasha Koos) oo sheegtay in looga baahan yahay bulshada intooda wax heysta in  ay caawiyaan carruurtaasi Soomaaliyeed si loo badbaadiyo mustaqbalkooda barri.

Ugu dambeynti wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Muumino Sheekh cumar, oo wakiil ka aheyd lacagtaasi ayaa tilmaamtay in lacagtani ay iska soo uruururiyeen qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ayna gaartay halkii loogu talagalay.

Exit mobile version