Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya , Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagula dagaalamayo Alshabaab   looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan.
Exit mobile version