Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Golaha Wasiirada K/Galbeed oo codka kalsoonida la siinayo

Baydhabo-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa cadeeyay in ay codka Kalsoonida siinayaan Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha uu soo Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin Wadada uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed u magacaabay Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Waxa ay tilmaameen Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay soo dhaweynayaan islamarkaana ay codka Kalsoonida siiyaan.

Xildhibaan Axmed Cusmaan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii cod aqlabiyad leh agu ansixin lahaayeen Golaha Wasiirada magacaaban ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo 5 Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir.

Exit mobile version