Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Golaha Ammaanka QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan Nofeembar kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), cunaqabateynta Al-Shabaab iyo dhaqaale-yaraanta saameysay howlgalka.

Warbixin uu 2-dii Nofeembar soo saaray ururka Security Council Report ayaa lagu sheegay in kulanka oo albaabadu u xiran yihiin ay warbixinno ka jeedin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Mas’uuliyiinta la filayo inay kulanka ka hadlaan waxaa ka mid ah Martin Kimani, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyo El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AUSSOM.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameyn doona shaqada guddiga cunaqabateynta Al-Shabaab, waxaana la filayaa inuu u codeeyo muddo-kordhinta nidaamka cunaqabateynta kooxda, oo ay ku jirto awoodda lagu joojin karo laguna baari karo maraakiibta badda. Cunaqabateyntan ayaa ku eg 30-ka Nofeembar, halka muddada guddiga khubarada ee taageera ay ku eg tahay 31-ka Diseembar.

Dhanka siyaasadda, warbixinta ayaa walaac ka muujisay khilaafaadka weli ka taagan Soomaaliya, iyadoo ururrada IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ku baaqeen in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal.

Dowladda Federaalka iyo isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeeshay dhowr wareeg oo wada-hadallo ah, hase yeeshee weli ma jirto heshiis laga gaaray khilaafaadka la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, muddo-xileedka madaxweynaha iyo hannaanka doorashooyinka

.Mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee Golaha Ammaanka horyaalla ayaa ah mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyadoo laga walaacsan yahay dhaqaale-yaraanta labada howlgal iyo saameynta ay ku yeelan karto howlaha amniga.

Warbixintu waxay tilmaantay in Golaha Ammaanku ka fiirsan karo qabashada shir deeq-bixiyeyaal loogu raadinayo dhaqaale dheeraad ah AUSSOM, iyo in wadahadallo lala yeesho Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayso khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah, caqabado amni iyo dhaqaale-yaraan saameyn ku yeelatay howlgalka Midowga Afrika, iyadoo weli ay taagan tahay su’aasha ku saabsan sida ciidamada Soomaaliya ay mustaqbalka ula wareegi doonaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Exit mobile version