Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaalada hada ay ku sugan yihiin wadamada qaar ee ku yaalla Qaarada Afrika.
Kulanka oo intiisa badan diirada lagu saarayay amniga dalalka Afrika ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday go’aankii Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku aadanaa in 7 dal oo Islaam ah dadkooda uu ka mamnuucay tagista dalka Mareykanka.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegeen go’aanka Trump in uu yahay mid aan loo meyl dayin, loona baahan yahay in gacan la siiyo dadka dalalkooda ka soo cararaya ee aan ku heysan nabad gelyo buuxda.
Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa waxa ay ka digeen khatarta ka dhalan karta go’aanka Donald Trump, oo ah mid isugu jira midab takoor, Islaam naceyb, iyo waxyaao kale, iyagoo sidoo kale sheegay in hada ay sii badan karaan falaka la xiriira amni darada.
Donald Trump Madaxweynaha cusub ee dalka Mareyklanka ayay ugu baaqeen in uu ka laabto go’aankan oo uu dib u eegis ku sameeyo, si dadka hakadka uu galay ay u gaaraan Mareykanka, kuwa joogana walaaca haya uu u daayo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dalalka Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen dadkooda dhowaan ka mamnuucay gaar ahaan Qaxooyiga iyo kuwa aan heysan sharciga in ay gudaha galaan dalka Mareykanka, taas oo uu mar marsiyo uga dhigay in ay yihiin kuwo abuuriya Argagixisanimo iyo amni daro.
