Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Go’aano culus oo laga filayo Beledweyne iyo qorsheyaal hor leh oo socda.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelin doonta kulan u dhexeeya Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyo Xildhibaannada beesha oo shalay gaaray magaalada.

Xildhibaannada ayaa la filayaa inay kulanka kaddib si rasmi ah ugu dhawaaqaan mowqifkooda ku aaddan xaaladda ka taagan Baladweyne iyo garab-istaagga Ugaaska, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira magaalada.

Sidoo kale, magaalada ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo bandhigo in ka badan 1,000 askari oo la sheegay in muddo laba maalmood ah lagu diyaarinayay Baladweyne. Ciidamadan ayaa la sheegay in loogu talagalay sugidda amniga Ugaaska iyo guud ahaan magaalada Baladweyne.

Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdi Fitaax Xasan Afrax, ay horyaallaan laba arrimood oo kala ah inuu iska casilo xilka Madaxweyne Ku-xigeenka ama uu isaga tago magaalada Baladweyne.

Xaaladdan ayaa kusoo korortay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, iyadoo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo kan ciidan ee Beesha Xawaadle uu keenay isbeddel ku yimid xaaladdii siyaasadeed ee Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugayaa mowqifka rasmiga ah ee Xildhibaannada Xawaadle iyo tallaabooyinka xiga ee dhinacyada ku loollamaya magaalada Baladweyne.

Exit mobile version