Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Geedi-socodka cakiran ee Doorashada Soomaaliya

Dadka Soomaalida ah waxa loo ballanqaaday in sannadka 2016 ay dhici doonaan doorashooyinkii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah muddo 50 sannadood ah, laakiin runtu waxay tahay in arrintu aad u sii cakirantay.

Bilowgii sannadkii 2012 markii ugu dambayntii ay dhamaatay siyaasadii ku meelgaarka ahayd, ayaa dowladd cusub ee federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in dalka colaaduhu ragaadiyeen ay ka qaban doonto doorasho qof waliba codkiisa dhiiban doono sannadka 2016.

Taasi waxay ka dhignayd in ay noqon doonto doorashadii u horraysay ee dimuqraadi ah ee ku dhawaad 50 sannadood la qabto. Tii ugu dambaysay ee dalka ka dhacdaa waxay qabsoontay 1969 oo 64 xisbi ka qayb qaateen. Ka dib waxa dhacay afgambi iyo sannado badan oo keli talisnimo ah waxaana ka dhashay dagaallo sokeeyo oo sannado badan socday. Dalkii wuxu u gacan galay maleeshiyo beeleedyo, kooxo budhcad badeed ah iyo Islaamiyiin xagjir ah.

Qorshe cusub

Laakiin 2016 waxa haatan la joogaa 2016 kii ballantii ahayd in doorasho la qabtaana way baaqatay.

In kasta oo ay jiraan hore u socod la sameeyay, hadana nabad-gelyo darro iyo qas siyaasadeed oo is biirsaday iyo kaabeyaasha dhaqaala oo dunsan awgood ayaa kallifayay in Soomaalidu ay muddo dheer sugaan inta ay gaarayaan goorta ay hogaamiyeyaashooda codkooda ku dooran doonaan.

Waxa la keenay qorshe kakan oo la yaab leh oo lagu dooranayo golaha cusub ee sharci dejinta oo uu ka mid yahay aqalka sare oo markii ugu horraysay dalku yeelanayo, gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha cusub.

“Habkan doorashadu waa nooc ku cusub dunida, waa mid laga fursan waayay oo ah hanaan siyaasadeed oo gacan ka gaysanaya in la gaaro marxaladda loo socdo” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keating, oo qudhiisu door muhiim ah ku leh hannaankan. “Waa hab kakan laakiin se keeni kara in meel dhexe la iskugu yimaad” ayuu intaa ku daray.


Sida lagu yaqaanno siyaasadda Soomaaliya, jidka la doonayo in lagu gaaro wax la isku wada raacsanyahay waa mid dheer oo dhib badan isla markaana ay ka buuxaan caqabado adag. Ma jirto xataa dad isku raacsan macnaha iyo magacii uu yeelan lahaa hanaankan cusub.

Dadka ka qayb qaadanaya ayaa qudhoodu tilmaamo kala duwan u adeegsada oo ay ka mid yihiin “doorasho dadban”, “habka xulidda”, “doorasho xaddidan”, “hab doorasho la mood ah” iyo “hanaan siyaasadeed oo leh hab doorasho”.

Is maandhaafka badan ee jira macnihiisu waxa weeyi uun in “xaraash” malaayiin doolar lagu kala iibsanayo codadku dhici doono. Fahamka hanaankan wuxuu u baahan yahay in sida xisaabta qaybsigu u socoto la fahmo.

Jadwalkii u dambeeyay ee dooraashada

Xigasho: Qaramada Midoobay

Hanaankani wuu ka duwan yahay kii hore

Qaramada Midoobay, deeq bixiyeyaasha dibadda iyo Soomaali badan oo ka qayb qaadanay hanaankan ayaa sheegaya in habkani ka duwanaan doono kii 2012-kii. Waxay ku celceliyaan in markan ay dadkii hanaankii hore ka qayb galay boqol laabkood ay haatan soo dooran doonaan hogaamiyeyaasha cusub. Sidaas oo ay tahay tirada dadka wax soo xulayaa way yartahay.

Sannadkii 2012 kii 135 hogaamiye beeleed ayaa doortay xildhibaannadii doortay madaxweynaha. Haatan 14,025 qof ayaa dooran doona xildhibaannada, tiradaasi waa in ka yar 0.2% tirada dadka Soomaaliya. 14,025 qofna waxa soo xulay 135 hogaamiye beeleed.


Sidoo kale waxa jira farqi kale.

2012 kii cod bixintu waxay ka dhacday caasimadda Muqdisho, dhacdadaas oo xiligaa ahayd wax aan hore u dhicin maadama doorashooyinkii hore lagu qaban jiray dalka dibadiisa nabad gelyo darrada wayn ee ka jirta Soomaaliya awgeed.

Haatan urur-doorasheedyadu waxay ku codayn doonaan xarumaha gobollada iyo Muqdisho ba. Sidoo kale waxa jira qoondo aan la dhaafi karin oo loo gooyay haweenka iyo dhalinyarada ka qayb qaadanaya habkan xulidda, in kasta oo aanay caddayn in sidoo kale tiradan loogu talo galay ay haweenka iyo dhalin yaradu ka heli doonaan baarlamaanka.

Waxa kaloo jirta in kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab ay khatar ku yihiin dadka ka qayb qaadanaya sidoo kalana ay weerarro joogto ah ku qaadaan Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah. Waana sababta dhalisa in la is weydiiyo sababta ay dadku iyadoo khatartaasi jirto ay qaarkood u doonayaan in ay xildhibaano ka noqdaan Soomaaliya.

Soomaaliya waa meesha ugu khatarta badan dunida ee siyaasi laga noqdo. Afartii sannadood ee la soo dhaafay oo keli ah 18 xildhibaan ayaa la dilay. Qaarkood waxaa dilay Al-Shabaab kuwo kalena waxa loo dilay aano qabiil.

XIGASHO:- BBC

Exit mobile version