Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Saaka ka bilaabatay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku tartamayay Musharaxiinta kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo sidoo kale Axmed Cali hilowle.
Xildhibaanada Codeynaayay ayaa dhammaa 89 mudane.
ka dib Codeyn ay saameeyeen Xildhibaanada Galmudug , waxaana wareegga labaad usoo gudbay Musharaxiinta kala ah Xaaf iyo Axmed Shariif oo kala helay 24 cod oo ah Axmed Shariif iyo 57 Xaaf ah.
Intaasi ka dib ayaa waxaa loo gudbay Wareegii labaad waxaana ku tartamay Xaaf iyo Axmed Shariif
Xaaf ayaa Wareegga labaad helay 54, halka Axmed Shariifna uu helay 34.
Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha Galmudug uu noqday Axmed Ducaale Geelle Xaaf
