Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Galmudug oo faah faahisay kulankii Xubnaha Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug,
Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehlinayeen Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle iyo KGS ayaa kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden, IGAD, iyo Midowga Afrika.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021,
sidii loo dhammeystiri lahaa heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb[3] si dalka ay uga dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Exit mobile version