Cadaado-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay eedeyntii dhowaan Dowladda Mareykanka ay u jeedisay Maamulka Galmudug, eedeyntaasi oo ku aadaneyd in Doorashada Cadaado ay tahay mid musuq maasuq ah.
Warqad Qoraal oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka ayaa lagu beeniyay hadalkii dhowaan ka soo yeeray safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, kaas oo ku aadanaa Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado in ay tahay mid lagu haayo musuq maasuq baahsan iyo is daba marin.
C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay Doorashada Aqalka Hoose in ay u socoto si habsami leh, oo aysan jirin fara gelin, isagoo sidoo kale sheegay Doorashada in ay kor kala socdaan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.
Qoraalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu beeniyay in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ay soo doorteen qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Dhowaan ayay aheyd markii Beesha Caalamka ay walaac ka muujisay Doorashada Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in hanjabaad, caga jugleyn iyo fara gelin toos ah lagu haayo Ergada iyo xubnaha ku lugta leh Doorashada Soomaaliya.
