Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Galmudug iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday

Shirka iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta ka qabsoomay Magaalada Gaalkacuo,isaga oo kusoo dhammaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta , xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo .

Labada Madaxweyne oo Warbaahibta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin heshiis wadashaqeyneyd oo ay wada gaareen,isla markaana la fulin doono waxyaabaha lagu heshiiyay.

Exit mobile version