Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Galgaduud: Dad nool iyo Baabuur la kala dhacay

Galgaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba beelood oo kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Caabud-waaq.

Xiisadan oo Todobaadkanba aheyd mid soo taagneyd ayaa waxaa la sheegay in ay sare u kacday shalay oo Talaado aheyd iyo maanta oo Arbaco ah, waxaana ay salka ku heysaa arrimo qabiil.

Wariyeyaal ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay Risaala u sheegeen inta ay xiisadu taagan tahay in labada dhinac ay kala afduubteen dad, sidoo kalena ay kala dhaceen Baabuur.

Maleeshiyaadka hubeysan ee dhanka Cadaado ayaa afduubtay 5 qof oo Gabari ay ku jirto, inkastoo markii dambe ay soo daayeen Gabadha, Maleeshiyaadka Caabud-waaq dhankooda waxa ay afduubteen Hal qof.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Cadaado ayaa waxa ay dhaceen laba Gaari, halka dhanka Caabud-waaq ay dhaceen Hal Gaari, xiisaduna weli waxa ay tahay mid taagan.

“Xiisad laba beelood u dhaxeysa ayaa ka taagan Cadaado iyo Caabud-waaq, dad nool iyo Baabuur ayaa la kala dhacay, Odayaasha ayaa wada waan waan, waxaan kaloo kuu sheegi karaa in xiisadan ay taagan tahay mudo Todobaad ah.” Waxaa sidaas tiri Gabar Wariye ah oo ku sugan Galgaduud, lana hadashay Risaala.

Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ayaa waxa ay wadaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo dhinacyadana ay xiisada ka dhextaagan tahay, waxaana shacabka Gobolka ay yihiin kuwo aad u hadal haya arrintan.

Exit mobile version