Gabriel Jesus ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay u dhaqaaqista Manchester City, ciyaaryahan loogu magac daray ‘Neymar-ka cusub’ ayaa si weyn usoo jiitay indhaha kooxo waweyn.
Tababare Pep Guardiola ayaa diyaar u la ah lacag qaali ah in ay kusoo iiibsadaan ciyaaryahanka reer Brazil,kasoo Sidookale Bartilmaameed u ah kooxda Manchester United.
Inkasta oo ay u egtahay Manchester City in ay ugu cadcadahay saxiixiisa, kooxda Palmeiras ayaa hore usoo diiday dalab €32 milyan ah, waxaana la rumeysan yahay kooxda ay xafiltamaan ee City in ay diyaar ula yihiin € 35m.
Ciyaaryahanka da’da yar ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda reer Brazil, isagoo afartii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay uu kamid ahaa kooxda koowaad.
Pep Guardiola ayaa tijaabada ugu weyn ee mustaqbalkiisa City mari doona, waxaana uu diyaar u yahay in uu kusoo kordhiyo Etihad Stadium magacyo waweyn.
