Qarax ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dadka degaanka ah.
Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaan lagu weeraray Xarunta Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho, balse xilliga qaraxa uu dhacaayay ayaa shaqooyinkii maalinlaha ahaa waxa ay ka socdeen Xarunta Degmada.
Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar ayaa bad qaba, Balse waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Howlwadaag, Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay Risaala u sheegeen.
Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net

