Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Gaalkacyo: Taliyihii Booliska oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray Gaarigiisa taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, kaas oo lagu Magacabi jiray  Cawil Nuur Rooble.

Gaari nooca loo yaqaano NOH ayaa lagu xiray Miinada nooca dhejiska,waxaana ay la qaraxday xilli shalay gelinkii dambe uu marayay wadada 30-ka ee Bartamaha Gaalkacyo.

Wariyaha Radio Risaala ee Magalada Gaalkacyo ayaa sheegay in taliyaha uu dhaawiciisa ahaa mid culus,isla markaana xalay uu ugu geeriyooday Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Gaarigiisa loogu xiray taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, waxaana ilaa iyo hadda ka hadlin Madaxda sare ee Maamulka Galmudug.

Exit mobile version