Gaalkacyo-RisaalaFM- Duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa laga hirgelinayaa xabsi, kaasi oo baaxad ahaan ku fadhiya dhul dhan 500-M.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsigan, maadaama hada uu yahay mid qabyo ah.
Wuxuu kaloo sheegay Galmudug in aysan laheyn xabsi, hadana Maxaabiis badan oo reer Galmudug ah ay ku xayiran yihiin Boosaaso, Berbera iyo magaalooyin kale, kuwaasi oo Galmudug ay la soo wareegi doonto marka xabsiga la dhiso.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ay wehliyaan masuuliyiinta Gobolka Mudug ayaa shalay kormeer ku sameeyay dhismaha xabsiga oo qabyo ah, kaasi oo dhismihiisa marka uu soo idlaado lagu xiri doono dadka dambiyada gala.
