Tababarka bedqabka iyo nabadgelyada ee Suxufiyiinta oo soconayey muddo 3 maalmood ah,waxaa ka qyabgalay 20 suxufi, oo isugu jira Tebiyeyaal (reporters) iyo Tifaftirayaal (editors), Furitaanka tababarkaoo ka dhacay Magaalada Baydhaba ee Maamulka KGS (Koofur Galbeed Soomaaliya) waxa joogay Guddoomiyaha Baarlamanka KGS C/Qaadir Shariif Sheequnaa Maye iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee KGSC/raxmaan Ibraahim Aaden (Sate), xildhibaano iyo madaxda Warbaahinta KGS.
Wasiir C/raxmaan Sate ayaa ka yiri furutaankii tababarka:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in IMS, FOJO iyo SOMA, ay Baydhaba u doortaan meesha ay isugu imaanayaan kuna tababarayaan Suxufiyiin ka timid Gobolada dalka, taasna waxa ay nagu dhiirrigelineysaa in aan sii dadaalno oo aan hagaajino maamulka, Suxufiyiinta tababrkooduna dan ayuu noo yahay Maamul ahaa, Warbaahinta dan ayuu u yahay, soo dhowaada, waxa aan idinka fileynaa in aad tababar kalena ku qaban doontaan halkan”
Guddoomiyaha Baarlamanka KGS ayaa isna yiri: ” In dhibaatada dalkeena haysata ay hoos u dhacdo ama yaraato ayaad qayb ka qadan kartaan, waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad si sax ah u qaadataan tababarka iy casharada lagu qaadanyo”
Waxa kale oo ka hadlay Furitaankii tababarkan Madax ka kala socotay IMS-FOJO iyo SOMA (Somali Media Association), waxa ay dhammaantood u .
Madaxdii ka qaybgashay furitaanka iyo Warbaahinta uga soo qaybgashay sidii loo qorsheeyey.
Guddoomiye ku xigeenka Soma Maxamed C/wahaab C/llaahi oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa u mahad celiyey Maamulka KGS, isaga oo u rajeeyey suxufiyinta ka qaybgalay tababarka.
Madaxa tababarka Soma Axmed Ciise Guutaale, oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka tababarka ayaa muujiyey sida ay Soma iyo xubnaheedu ugu faraxsan yihiin martigelinta Maamulka KGS ee tababarka bedqabka Saxaafadda iyo Nabadgelyada suxufiyiinta.
Abuukar Sheekh Axmed Albedri, xiriiriyaha barnaamijyada ee IMS, ayaa isna dhankiisa sheegay in tababarkani uu xirfad, waayo-aragnimo iyo aqoon u kordhin doono suxufiyiinta iyo saxaafadda ka qaybgashay.
Suxufiyiinta ka qaybgalay waxa ay ka kala yimaadeen xarumaha warbaahinta ee magaalooyinka Kismaayo, Beledweyne, Jowhar iyo Baydhaba
Xirfadaha lagu barayey suxufiyiinta tababarkan waxaa kamid ahaa
· Habka Qiimeynta halista ka hor iman karta suxufiga
· Ammaanka gaadiidka
· Bedqabka qofeed
· Warbaahinta iyo ciidanka
· Xasaasiyadda iyo xilliga doorashooyinka iyo xirfado kale
Tababarka ayaa ka koobnaa dhowr xirmo (Packages) oo ay kamid ahaayeen kuwo gacanta laga qabanayey (Practical training), duruus toos ah oo ay la soctay sharraxaad iyo xirfado ku saabsan habka maareynta nabadgelyada gaadiidka iyo guryaha, sidaas oo kalana waxa ku jira dood kooxeed (Group discussion)
Suxufiyiinta ka qaybgalay tababarkan ayaa waaya-aragnimadooda iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan ka sheekeeyey, iyaga oo qaatay xirfadaha ay ku wajihi karaan caqabadaha iyo mushkiladaha ka horyimaada.
20-ka suxufi ee ka qaybgalay tababarku waxa ay ka koobnaayeen 16 Rag ah iyo 4 Gabdhood
Somali media Association team
Baydha
DGKGS
