Site icon Radio Risaala: Somali News Online

FT: Chelsea oo dirqi kaga fakatay Crystal Palace

Kullan aad u adkaa oo dhex maray Crystal Palace iyo Chelsea ayaa dhowaan soo idlaaday.

Ciyaar ku billaabatay jawi deggan ayaa qaybteeda hore waxaa lagu kala nastay 0-0.

Iyadoo sidaas ay tahay ayaa markii dib la isugu soo laabtay, waxaa is beddelay natiijada ciyaarta.

Waxaa gool madi ah oo ay Chelsea guul ku hanatay ay ka heshay laacibkooda khadka dhexe ee N’Golo Kante daqiiqaddii 51-aad ee ciyaarta.

Kullanka ayaa kusoo idlaaday 1-0 oo ay Chelsea ku badisay.

Natiijadan waxa ay ka dhigtay in Blues ay dhibic usoo jirsatay Manchester City.

Exit mobile version