Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Juventus Oo Shaacisay Natiijada Baaritaan Lagu Celiyay Labo Ka Mid Ah Xiddigaheeda Uu Ku Dhacay Caabuqa Coronavirus

Juventus ayaa ku dhawaaqday in Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi inay labaduba ka soo kabsadeen caabuqa safmareenka ah ee Korona Fayrus.

Labada xiddig ayaa waxaa ku dhacay caabuqa halista ah bishii la soo dhaafay iyadoo Rugani uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee horyaalka Serie A ee uu haleelo xanuunkaan.

Maanta ayay Juventus xaqiijisay in labada xiddig ay si buuxda u soo kabsadeen iyagoo warbixin rasmi ah soo dhigay shabakadooda:

“Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi ayaa sida sharciga yahay waxay mareen baaritaan labo jeer ah oo laga eegayo caabuqa Coronavirus-Covid 19.

“Jawaabta baaritaanka waxay noqotay inaysan qabin. Sidaasi darteed ciyaartoyda waa ay soo kabsadeen, waana ay ka baxeen karantiilkii ay ku joogeen guryahooda.”

Paulo Dybala oo isna ah xiddigii seddexaad ee uu ku dhacay caabuqa ayaa u muuqda mid soo kabsaday inkastoo Bianconeri aysan weli xaqiijinin.

Exit mobile version