Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si degdeg ah dalka ugu soo laabtay, si uu uga qeyb galo wajiga koowaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo ay garwadeen ka yihiin Dowladda Turkiga iyo Beesha Caalamka.
Wadahadalladan ayaa la sheegay in marka hore ay dhex mari doonaan Guddiga Sare ee Nabad iyo Nolol iyo Guddiga Sare ee Dowladda, iyadoo Beesha Caalamka ay ka qeyb qaadaneyso doorka goob-joogga iyo dhexdhexaadinta.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in wajiga xiga ee wadaxaajoodyada ay yeelan doonaan Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulamadan lagu doonayo in xal loogu helo khilaafaadka hareeyay hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Soo laabashada Farmaajo ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan dadaallo xooggan oo lagu dardargelinayo wadatashiyada siyaasadeed, si loo helo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, isla markaana looga gudbo ismari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

