Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Falanqeynta Sunderland V Manchester United” Van Gaal oo lawada Eegayo

Sunderland ayaa garoonkeeda ku soo dhoweyn doonta Manchester United,kulan ka tirsan Premier League-ga,iyadoo cayaartan ay adkana doonto.

Adam Johnson oo qirtay inuu la seexday gabar 15 jir ah ayaa lag buriyay Sunderland, halka Jeremain Lens, Younes Kaboul iyo Duncan Watmoreay dhaawacyo ku maqnaan doonaan. Billy Jones ayuuse shaki ku jiraa, laakiin Fabio Borini ayaa kasoo kabtay Virus.

Guillermo Varela, Phil Jones iyo Adnan Januzaj ayuu dhaawac kasoo gaaray iyagoo u dheelayay kooxda 21 jirada,- Will Keane ayaa lagu soo daray shaxda koowaad,kadib markii uu soo bandhiggay qaab cayaareed sare.

Bastian Schweinsteiger, Luke Shaw, Marcos Rojo, Antonio Valencia iyo Ashley Young ayaa sidookale seegi doono kulankan Sunderland.

Maxay macallimiintu ka yiraahdeen kulanka?

 Sam Allardyce-ka Sunderland: “Waxaan u baahanahay inaan dagaal culus la galno Man United, guul aan gaarno waxaa fure u ah Jermain Defoe.- Waa xaqiiqo inaan dhibaato ku jirno,hase ahaatee, taas nooma diideyso inaan ka badino koox weyn”.

Louis van Gaal-ka Manchester United: “Waxaan dooneynaa inaan sare u qaadno qaab cayaareedkeena, waxaan dagaal ugu jirnaa kaalmaha sare ee horyaalka”.

XAQIIQOOYINKA CAYAARTA 

Sunderland

Manchester United

Exit mobile version