Site icon Radio Risaala: Somali News Online

FALANQEYNTA: Arsenal vs Hull City – Tigers oo soo gabagabeyn karta xukunka boqortooyo ee Arsene Wenger kooxda Gunners

Hull City iyo Arsenal ayaa la filayaa inay isbedel ku sameeyaan line-up u ciyaaraya FA Cup , kulanka  is-celiska ee caawa.

Gunners ayaa u safreysa kooxda horyaalka labaad oo kulankii hore  0-0 kula soo galeen garoonka Emirates Stadium.

Hull ayaa heysata koox buuxda oo taam ah oo ay soo xulan karto, iyadoo Shaun Maloney iyo Nick Powell ay kusoo bilaawan doonaan ciyaarta.

Petr Cech iyo Laurent Koscielny ayaa labaduba ka dhawac kubka , halka Francis Coquelin uu ganaax ku maqan yahay.

Jack Wilshere Tomas Rosicky ,Santi Cazorla iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ka maqnaaan doona kulanka ka dhacaya KC Stadium.

Arsenal, ayaaa isku dayaysa in FA Cup  sannadkii seddexaad oo isku xiga ay qaado, shantii kulan ee tartamada oo dhan ugu dambeeyay wax guul ah ma gaarin Gunners,

halka Hull oo kaaalinta  saddexaad ee Championship kujirta ay heeysato bandhig fiican.

Kooxda ku guuleysataa kulankaan ayaa wajihi doonta Watford e wareega quarter-finalka Axada soo aadan.

Maxay maamulayaasha yiraaahdeen

Tababaraha kooxda Hull Steve Bruce: “Mudnaanta koowaad waa horyaalka halka kan labaad uu noo yahay FA, Cup, waa inaan ka fakirnaa sidii aan ku garaaci laheyn Arsenal.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger, waxa uu sheegay in muhiimadu ay tahay in kooxdiisa ciyaar la jecleysto ay soo bandhigto.

Xaqiiqada kulanka 

Gunners ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan ay wajahdo Hull, iyagoo dhaliyay ugu yaraan laba gool kulankastaa.

Alexis Sanchez ayaa dhaliyay shan gool lix bkulan oo uu kuso bilowday FA Cup. goolkiisii ugu horeeyay ee tartanka waxa uu ka dhaliyay Hull January 2015.

Tigers ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay FA Cup ay gurigooda ay ku ciyaaraan. Waxay sidoo kale ku guuleystaeen Horyaalka.

Wenger ayaa badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay FA Cup uu ku ciyar meel ka basan gurigiisa.

 

Exit mobile version