Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Fahad Yaasiin”Madaxweyne, isku dhex yaaca ka hor, dadka la tasho.”

War ka soo baxay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu ugu hadlay marxalada siyaasadeed uu xiligan dalka marayo iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loogu baaqay inuu meel iska dhigo kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhexeyso DFS iyo Mucaaradka,si buu yiri loo badbaadiyo dalka.

“Waxaan diyaar kuula nahay in aan meel la Iska dhigo wax kasta oo kala aragti duwanaasha ah, oo aan kula wadaagno talo iyo tusaale walba oo dalka badbaado u noqonaya, waana waqtigii la muujin lahaa midnimo iyo wadajir keeni karta qorshe qaran oo looga hortagi karo argagaxisada halista ku ah jiritaanka qaranka.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Fahad Yaasiin ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday inuu ku baaqo gogol wadashi ah, taasi oo la isugu yeerayo dadka waxgalka ah,  islamarkaana dhinacyada aysan ku xiran wax shuruud ah.

 

“Madaxweyne, waxaad ku baaqdaa gogol qaran oo aad ugu yeerayo cid walba oo talo iyo tayo kusoo kordhin karta xaaladda uu dalku marayo maanta. Gogoshaas ha noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhankaada iyo dhanka mucaaradka labadaba. Madaxweyne, waqtigan maahan xiligii la is eedeyn lahaa, ee waa xaaladdii la midoobi lahaa, waxaan kaa rajayneynaa inaad noqoto odaygii qaranka, oo aad meel iska dhigto wax walba oo dalka iyo dadka kala qaybinaya.” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Exit mobile version