Faah Faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ku dhex maray degaan ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Mareykan, sidoo kalena ay ku dhaawaceen labo kale oo ka tirsan ciidanka Mareykanka
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay dagaalkaasi ku qabsadeen Hub iyo Agab Ciidan oo ay wateen ciidankii Mareykanka ee dagaalka ay kula galeen deegaanka Daaru Salaam ee Gobolka Shabellaha hoose.
Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in askari loogu dilay gudaha Soomaaliya, Waxaana War ka soo baxay Taliska dhexe ciidamada Mareykanka ee Afrika lagu Xaqiijiyay dilka Askarigaasi.
Waa askarigii ugu horeeyay oo Mareykanka looga dilo gudaha dalka Soomaaliya.
Sanadkii 1993-dii ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay 18 Askari oo Mareykanka u dhashay.
Ciidamada Mareykanka ayaa qaada hawlgalada qorsheysan ee lagu weeraro deeganada ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab, iyagoo ciidanka adeegsanaya diyaarado Helicoptero ah

