Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Faah Faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay tuulooyin ka tirsan deegaanka Baardheere  oo ku yaalla duleedka Koofureed ee Magaaladaasi  .

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ee degaanka oo loo yaqaaan Maxasisley oo dhinac ah iyo  Al-shabaab,.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday ka dib markii ciidamada Dawlada iyo   Macawiisleyda  gobolka Hiiraan ay howlgallo ka bilaabeen deegaanka Baardheere Tuulooyin ka tirsan waxana ka dhashay sida la sheegaya khasaare kala duwan.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa  Baardheere iyo Beerxaano oo ku yaala Koonfurta magaalada Baledweyne.

Hase ‘ahaatee ‘ Gudoomiyhihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan,  Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee  kala ah Maxamed Cabdullahi Buraalle ‘Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa hoggaaminaya ciidamada Dawlada iyo kuwa dib u xoreynta ee dagaalka ka wada degaanka Baardheere  Tuulooyinka hoostga oo qiyaastii 22- kiilomitir dhinaca koofurta uga aadan Magaalada Baladweyne ee xaruntaa gobolka Hiiraan.

Exit mobile version