Qoryooley-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Qoryooley xoogaga ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi.
Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ayaa waxa uu socday ku dhowaad muddo Hal saac ah, kaasi oo labada dhiac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo helay gurmad dheeraad ah ayaa waxaa u suuragashay in ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan ayaa khasaaraha rayidka ka soo gaaray wuxuu yahay Hal qof oo dhimasho ah iyo qof kale oo dhaawac ah, inkastoo aanan la xaqiijin karin khasaaraha dhinacyada dagaalamay.
Shabaab ayaa u muuqda kuwo mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, welina Dowladda qorshe ay weeraradan wax kaga qabaneyso lama aysan imaan.

