Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Faah faahin Howlgallo laga sameeyay Gobolka Baay

Baay-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Howlgladii maalmihii ugu dambeeyay laga sameeyay degaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo amiga guud ee degaanadaasi.

Dhaayow Maxamed Isaaq oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degaanka Goof-gaduud Buuray oo magaalada Baydhabo ujira 30-KM ayaa sheegay Howlgalada Shabaab lagula jiro in ay u socdaan si wanaagsan, marwalbana Ciiamada ay diyaar u yihiin sidii ay ula dagaalami lahaayeen Shabaab.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa sheegay Shabaab mar walba in ay isku dayaan in ay dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degaanka Goof-gaduud Buuray, balse arrintaasi aysan aqbaleyn Ciidamada Dowladda, ayna difaacayaan shacabka.

“Ciidamada Dowladda waxa ay wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, oo mar walba isku daya in ay dhibaateeyaan shacabka, Habeen iyo maalin Ciidamada way shaqeeyaan, waxaana ujeedada ay tahay sidii shacabka ay ku heli lahaayeen nabad gelyo buuxda”. Ayuu yiri Sarkaalkan.

Degaanka Goof-gaduud Buuray ayaa marar badan waxaa ku dagaalamay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Shabaab, waxaana Dagaaladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Wariye Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera), Magaalada Baydhabo

Exit mobile version