Masar, Senegal iyo Tunisia ayaa ku biiray Madagascar waxayna u soo baxeen Koobka Kubbadda Cagta ee Qaramada Qaaradda Afrika.
Madagascar ayaa noqotay dalkii u horreeyay ee iska xaadiriya koobkaas oo ay markii hore ka qayb qaadan jireen 16 qaran balse hadda laga dhigay 24 dal.
Njiva Rakotoharimalala oo ka dheela Thailand ayaa isaga oo khadka dhexe ka ciyaaraya dhaliyay goolka kali ah ee haleelay shabaqa Equatorial Guinea.
Dalkan jasiiradda ah ayaa markii u horraysay u soo baxay koobka Qaramada Qaaradda Afrika.
Tartankan ayaa lagu qaban doonaa Cameroon bisha Juunyo iyo Luulyo ee sannadka soo socda.

