Xilli kooxda Manchester United ay soo bandhigtay natiijadeeda ugu dambeysay ee dhaqaalaheeda, Ed Woodward ayaa ka war bixiyay xaaladihii adkaa ee kooxda helay xagaaga intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.
Ed Woodward ayaa cod dheer ku sheegay in dhammaan qaybaha kala duwan ee United ay u shaqeynayaan si daal la’aan ah, si ay kooxda ugu soo celiyaan waddada guulaha.
Man U ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay dhammeysatay iyadoo aanan wax koob ah ku guuleysan, iyagoo 19 dhibcood ka hooseeyay ku guuleystayaasha Premier League-ga ee Manchester City.
Kooxda Jose Mourinho ayaa sidoo kale ku guuldarreysatay hanashada FA Cup, iyagoo kullankii kama dambeysta qasaaro kala kulmay kooxda Chelsea.
Macallin Mou ayaa doonayay inuu kusoo kordhiyo safka kooxdiisa tiro xiddigo ah, balse ku xigeenka maamulka ugu sarreeya Manchester United ahna madaxa fulina ee United, Ed Woodward ayaa sheekadaas is hor taagay.
Keliya Fred, Diego Dalot iyo Lee Grant ayaa safka kooxda lagu soo kordhiyay, waxaana durba laga dareemay Red Devils habacsanaan daran, maadaama bilawga xilli ciyaareedkan ay qaab liito ku billaabatay.
Si kastaba ha ahaatee, naadiga reer England ayaa soo bandhigtay dakhli rikoor oo £590m ah rubacii ugu dambeeyay ee sanad lasoo dhaafay, waxaan Woodward uu ballan qaaday inuu aqbali doono rabitaanka Manchester United taageerayaasheeda inkastoo loollanka suuqa uu noqday mid adag.
Madaxa fulinta Manchester United ayaa hoosta ka xarriiqay in qof walbo si daal la’aan ah ugu shaqeyn doono in kooxda ay qaaddo Koobkeedii 66-aad iyo koobkii 25-aad ee Jose Mourinho.
Woodward ayaana ugu dambeyn adkeeyay in kooxda ay diyaarisay qarashkii muddooyinka soo aaddan, isla markaasna ay doonayaan inay kusoo laabtaan tartamada waaweyn.

