Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Duqa Muqdisho oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xilka qaaday C/qaadir C/raxmaan Ibraahim oo ahaa Agaaisimihii Waaxda Dalxiiska iyo Maalgashiga gobolka Banaadir, wuxuuna xilkaasi u magacaabay C/fataax Maxamuud Siyaad.

Duqa Muqdisho ayaa warqadan oo isugu jirta magacabis iyo xilka qaadis ee ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ogeysiiyay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

Dhameystirka wixii ka dhiman xeerkan fulintiisa ayaa waxaa loo xil saaray Waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, si shaqada loo dardar geliyo.

Exit mobile version