Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 29 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Gobolada dalka.
Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 18 Ruux, Puntland 11 qof, Hirshabeelle, waxaana tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka ay tahay 1,650.
Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 20 Rag ah iyo 9 Dumar ah, waxaana ka bogsaday 39 23 Ruux.
Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,623 xaaladood 767 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 6,662 kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.
Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u yaraaday daka uu Soomaaliya Cuudrka COVID-19, waxaana hadda uu ku dambeeyaa oo mararka qaar laga diiwaangeliyaa Gobolada dalka gaar ahaan Puntland iyo Soomaliland.

