Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Taliyaha ciidanka xoogga oo tababar u soo xiray saraakiil

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa tababar u soo xiray lix sarkaal oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka xoogga dalka oo mudo bil ah tababar uga socday magaaladda Muqdisho,waxaana tababarkan bixinayay dowladda Ingiriiska.

Xiritaanka tababarkan ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay safiir ku xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Ingiriiska ee horumarinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Andrew Auen oo ah safiir ku xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horeyn u mahad celiyay safaaradda dowladda Ingiriiska ay ku leedahay dalka Soomaaliya ,wuxuuna kula dardaarmay saraakiisha tababarkan ka faa’ideystay in ay gaarsiiyaan saraakiisha kale ee aanan fursadan helin.

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo safiirka ku xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shahaadooyin gudoonsiyay saraakiishan tababarka dhameystay.

Exit mobile version