Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay Furitaanka shir heer Wasiiro ah kaas oo looga hadlayay arrimaha Quddus.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdi Salaan Cali Dhaay, ayaa ka qayb galay furitaanka Shir Heer Wasiiro ah isla markaana lagu gorfeenayay Arrimaha Quddus, kaas oo ka furmay magaalada Cammaan, kuna qabsoomay martigelinta Boqortooyada Haashimiyiinta ee Urdun.

Shirkaan ayaa isugu keenay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka si ay uga yeeshaan mowqif mideysan xaaladaha ka taagan magaalada Quddus iyo dhulka Falastiin.
Intii uu shirku socday, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada tashiyo laba geesood ah la yeeshay qaar ka mid ah dhiggiisa, isagoo sheegay garab istaagga aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Soomaaliya u hayso shacabka Walaalaha ee Falastiin iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo isku duwidda dalalka Carabta iyo Islaamka.
Exit mobile version